Skip navigation
Warar
- Maxaa laga dhex heli karaa Kaydka?
Kaydku wuxuu diiradda saarayaa arrimaha dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Dukumentooyinka laga dhex helo Kaydkani waxay ka hadlayaan mawaadiic fara badan oo kala duwn oo ku saabsan gobollada ay Soomaalidu degto iyo ummadda loo yaqaan Soomaali, mawaadiicdaas waxaa ka mid ah: taariikhda, juqraafiga, suugaanta, cilmiga bulshada, cilmi-afeedka, dhaqaalaha iwm. - Afkee baa ku qoran dukumentooyinka?
Waxaa Kaydka laga dhex heli karaa dukumentooyin badankooda ku qoran af Soomaali, af Talyaani iyo af Ingiriisi. Sidoo kale waxaa laga dhex heli karaa dukumentooyin kale laakiin tiradoodu aan badneyn oo ku qoran af Carbeedka, af Faransiiga iyo af Jarmalka. - Sidee wax looga baaran karaa mareegta Kaydka Soomaaliyeed?
Laba siyood ayaa wax looga baaran karaa mareegta KS: adigoo adeegsanaya baaritaan xur ayaa waxaad ku qoraysaa goobta baarista hal erey ama in ka badan, ama waxaa suurtaggal ah in siyaabo kala duwan aad wax ka baarto mareegta KS, adigoo adeegsanaya: Mowduuc, Cinwaan, magaca Qoraha, taariikhda daabacaadda qoraalka, ereyga furaha. - Sidee loo adeegsan karaa dukumentooyinka laga dhex helo Kaydka Soomaaliyeed?
Dokumentooyinka KS (buugaag, maqaallo, cajalado iyo sawirro) waxaa loo diyaariyay in la daalacsado iyo in la soo minguursaado (download), laakiin waxaa reebban in wax laga beddelo, ama loo adeegsado hab ganacsiyeed. - Sidee baan ku arki karaa dukumentooyinka?
Dukumentooyinka qaabkoodu waa wada PDF, waadna arki karaa faylalka PDF adigoo laabtoobka ku soo dejinaya (install) barnaamijka Adobe Reader ee bilaashka ah. - Sidee baan ku arki karaa ama u dhegeysan karaa cajaladaha maqalka iyo kuwa maqal-muuqaalka ah (video)?
Si aad u dhegeysato cajaladaha maqalka ama u daawato kuwa video-ga ah ee KS waxaa loo baahan yahay in aad soo degsato barnaamijka VLC media player ee bilaashka ah. - Maxaa u sabab ah in hordhaca malafyada qaarkood aanay raacsanayn lifaaqyada malafka?
Qaar ka mid ah hordhacyada malafyada ee KS ma raacsana lifaaqa, maxaayeelay qoraha ama tifafiraha dukumentiga ayaa laga waayay oggolaasho in lagu biirino Kaydka, sidaa darteed ayay uga maqan yihiin lifaaqyadaas. - Maxaa u sabab ah in magac qore Soomaaliyeed uu mararka qaarkood halkan uga muuqdo hab dhigaal kala duwan?
Waxaa la gartay in aan waxba laga beddelin habka uu qoruhu magaciisi ugu qoray qoraalkiisi (buug ama maqaal), maadaama Soomaalida habdhigaalka magacyadoodu aan midaysanayn , oo mar waxay ku qoran yihiin habka far Soomaaliga (sida Cali), marna habka farta faranjiga (sida Ali). Mararka qaarkoodna maxaa la arkaa qof saddexdiisi magac oo lays dhaafsiiyay, si loo waafajiyo habka magac qoyseed ee reer galbeedka. Sidaa darteed, marka wax lagu raadinayo magaca qoraaga waxaan ku talin lahyn in la tixgeliyo arrimahan, oo dhowr jeer laysku dayo in magaca lagu raadiyo hab dhigaal kala duwan. - Maxaa kala duway taariikhda la daabacay qoraalka iyo taariikhda la qoray ama la diyaariyay dukumentiga?
Mararka qaardood waxaa dhici karta in la arko in ay kala duwanaadaan taariikhda ku qoran dukumentiga iyo tariikhda la diyaariyay, sida sawirro badan oo la sameeyey xilligii gumaysiga, haddana ku astaysan taariikh waqtigeeda dhow. Arrintanna waxaa u sabab ah, mararka qaarkooda ayaa waxaa la arkaa dukumenti aan ku qornayn xillaga la sameeyey ama la daabacay, sidaa darted nidaamka Kayda Soomaaliyeed wuxuu dukumentigaas ku taarikheeyaa maalinta lagu diiwaangeliyay keydka. Haddaba waa inaad tixgelisaa arrintan marka aad dukumenti ku raadinayso taariikhdiisa.